Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 Q.7aad

calan

Hilaada rag kun lagu qiyaasay oo firxad iyo dhaawac ubadan iyo xaasas raggoodii kudagaalamay oo aan wax xoolo ah lagu ogeyn ayaa isugu tagey jeexa buuxiso, nugaali waa haawaneysaa, dagaal waa laga hawa dhigey, duunyana lamahayo, daraawiish waa dulugle, aduun masaasbuu kudambeeyay, sayidkii muxuu muxuu kutalin doonaa, arin maxey kudambeyn doontaa, alow jid bixi ayuu xaalku joogaa.  

12/2/1920 sayidku wuxuu diray laba Nin wuxuuna yiri safra oo bal daartii laascaanood qooraansada haddaad geli kartaan iskudaya rag daraawiish baa lagu ogaaye hubsada oo gaalo iyo xaalkeeda kasoo warama, laba nin kalana wuxuu udiray daartii damco oo wuxuu kuyiri daraawiishta joogta waxaad kutiraahdaan ceelka noo maaxiya , lixdan nina waxaa loodhiibey sodon gudinmood iyo sodon hangool oo waxaa lagu yiri dhulka inaga horeeya waa hawd oo cidi ma mari karto, farduhuna ma mari karaan ee waxa haray ee daraawiishta ah ee sayidku hogaaminayo haloo baneeyo wado dhaxmarta keyntaa jiqda ah. 

Labadii nine e laascaanood loodirey waxey soo sheegeen in gaaladu meel walba qabsatay, daraawiishina ninba meel ukacey wixii ladilay mooyee. 

Sayidka iyo intii kusoo ag hartay xeyn xoolo ah baa loosoo ururiyay, sayidka awr layiraahdo gaagaab baa lasaaray, fardihiina waa lootaxaabey, waxey mareen hawdkii jiqda ahaa wadadii lagabixiyay. 

Markii la ogaaday in sayidkii hawd utalaabay, xagga koofurna ujeedo ayaa mudug waxaa laga direy ciidan uu madax kayahay xaaji cismaan sharmaarke oo kamid ahaa ciidankii cali yuusuf, talada uu kusocdana waxey ahayd iney sayidka dhudub iyo galaadi ujoogsadaan halkaasoo hadduu dhinaca koonfur ukaco ayan huri doonin dagaal deeto halkaas bey ufadhiisteen, sayidku maalin gelinkeed ayuu galaadi joogey, wuxuuna kamaray qeyb gees ah oo aan ahayn dhinicii ay fadhiyeen ciidamadii cali yuusuf, galabtiina waa kacaraabay, laba iyo sadax maalmood markii ay ciidankii cali yuusuf soodiray waayeen sayidka iyo dadkii lasocday ayay ogaadeen in sayidku ugudbey ogaadeeniya markaasbey dib isaga soo noqdeen. 

Sayidka iyo dadkii qaxootiga ahaa ee daba socday waxey habeenba meel kusii dhaxaanba waxey tageen ceelka wardheer, waxeyna usii dhaafeen afyaraado oo wardheer kasii shisheysa hilaadana sodon meyl ujirta, afar habeyn bey halkaa joogeen, arladaasu waxey ahayd dhul aan col iyo abaar kadhicin oo barwaaqo ah. 

Khaliif sheikh cabdule iyo daraawiishtii uu utalinayay oo baladweyne deganaa oo warkii gaaray ayaa geel iyo xoolo kale kahor keenay si daraawiishta soo jabtay loogu gargaaro, kadibna waxaa looguuray dhulka dhoobo weyne. 

Sayidka iyo qusuusidii lasocotey waxey degeen shiniile, halkaasna waxaa ugu yimid daraawiishtii kale ee kabad baaday dagaaladii ba’naa, halkaas beyna saldhigteen oo kunasteen. 

Bishii febraayo 1920-kii sayidku waraaq buu kahelay ingiriiskii uu kuleeyahay dadkaadii waxna anagaa leynay, waxna wey kaatageen, xilahaagii anagaa dhacney, daraawiishi waa taag dareysay, dagaalkii waanu kaaga adkaanay, sidaa daraadeed waxaa kula gudboon inaad is dhiibtid, dowduna wey kucafineysaa ee afartan maalmood isku soo dhiib, waraaqdana waxaan kuugu soo dhiibeynaa  xaasaskaadii mid kamid ah. 

Sayidku waraaq jawaab ah ayuu uqoray wuxuuna usii dhiibey sheikh Cali xaaji axmed buux oo daraawiishtii taleex katimid kamid ahaa iyo adeerkiis xaaji cismaan sheikh xasan nuur mana saxiixin sayidku waraaqdaas, saxiix la aantana wuxuu ingiriisku uqaatay inuu sayidku doonayo dagaal rogaalcelis waqti uhelo, waraaq kalana sayidku wuxuu udirey talyaanigii koonfur heystay 

Ingiriisku markuu helay jawaabtii sayidka oo aan katarjumeynin siduu doonayay ingiriiska, wuxuu markale udirey ergo utagta sayidka , ergadaa oo kakooban kow iyo toban nin oo qawaamiirtii soomaalida ingiriisku utaliya ah, danta loosoo direyna waxey ahayd iney sayid maxamed lahadlaan oo ay dhaxdhaxaadiyaan sayidka iyo ingiriiska, ergadan waxaa lasocday sheikh cali guuxaa oo ahaa ninkii waraaqdii jawaabta ahayd kasidey sayidka ee ugeeyay ingiriiska, markey ergadii yimaadeen daartii qoraxey oo weli daraawiishi fadhido ayaa sayidkii laba nin oo fardooley ah horey loogusii direy si loowargeliyo ergada soo socota, deeto ergadii sayidka bey lakulmeen, waraaq afar shuruud kuqoran tahayna wey udhiibeen, hase ahaatee sayidka waraaqdaas qiimo uma yeelin, maxaa yeelay wax faaido ah kamalahayn agtiisa, raga ergada ahaa ee utagey sayidka waxey kala ahaayeen:- 

  1. Sheekh Ismaaciil bin sheikh isxaaq oo madax ka ah dariiqada saalixiya, dhulbahante/maxamed muuse. 
  2. Sheekh cabdullaahi bin sheikh madar oo madax uahaa dariiqada qaadiriya oo isaaq ah 
  3. Sheikh Maxamed xuseen oo madax u ahaa dariiqada andaraawiya. 
  4. Caaqil cali aadan oo habar yoonis/reer sugule ahaa 
  5. Caaqil jaamac madar, habaryoonids/ reer sugule 
  6. Caaqil xaaji ibraahim warsame, habar yoonis/reer sugule 
  7. Caaqil xirsi xuseen, habar yoonis/reer xuseen 
  8. Caaqil xaaji cabdullaahi jamac. Habarjeclo/reer daahir 
  9. Caaqil axmed yaasiin. Habarjeclo 
  10. Caaqil Cali guuleed. Habar awal/ reer axmed 

Balan qaadyadii uu kusoo qoray ingiriisku waraaqdaa ergadu sidey waxaa kamid ahaa 

  • Waxaan adiga iyo dadkaada ugoynayaa dhul dhinaca galbeed kuyaala oo daaqsin leh, dad ilaaliyana uyeelayaa, halkaas oo aad ka abuurato dariiqo daraawiish ah. 
  • Waxaan kuusoo celinayaa caruurtaadii iyo qaraabadaadii oo haatan gacanteyda kujira 
  • Xoolaha aad wadato adaa yeelanaya, hadeeyan kugu filneyna waxaan kuusoo celinayaa xoolo dadkaada iyo baahidaada kuu haqabtira ha ahaadeen xoolo nool, mush-haar, iyo wixii lamid ah si dariiqadaadu ugu noolaato. 
  • Diintiina faragelin maayo, haddaad doonto inaad maka aadidna waan kuusuura gelinayaa 

Hadaad ogolaatid sooraac ergada oo afartan maalin gudahood kuimow halkan, taasoo kadhigan inaad qaadatay nabada iyo wadajirka 

Nimankii ergada ahaa aad baa loo xurmeeyay, waxaa lasheegay ninka layiraahdo cabdala xaaji cismaan oo reer jabuuti ahaa wuxuu yiri sanadkii 1983-dii ayaan adis ababa kula kulmay sayid cabdikariin sayid maxamed cabdala xasan wuxuu usheegay markii ergadu aabahay ugu tagtay shiniile wuxuu sayidku weydiiyay ergadii suaalahan: 

Ragow maxaad tihiin?, waxey dheheen waxaanu nahay ergo kasocota ingiriiska, kitaabka gacanta kusidataan waa maxay?, waxey kujawaabeen waa kutubkii quraanka kariimka, cimaamada madaxa idiinkugu duuban iyo tusbuxu maxey yihiin?, waxey ku jawaabeen waa sunihii rasuulka scw., sayidku wuxuu kaloo kuyiri ergadii alle weyne ayaan idinku dhaarshaye kitaabkaad sidataan kasoo saara gaal kujihaada mooyee gaal ergo unoqda, waxey kujawaabeen kumajirto ee gaalkaa nasoo diray oo nayiri nabad kakeena sayidka, dhulkana nabad kadhaliya. 

Todobaad in kayar markey xaruuntii joogeen ayaa inta jiscinkii loo adkeeyay la amba bixiyey, wuxuuna sayidka udhiibey ergada waraaq jawaab ah oo uu kuyir anigu waan ogolaaday qodobadii heshiiska oo ergadaadu iikeeneen, laakiin qasab ku ogolaanmayo shuruudaha sidaa daraadeed waa inaad iisoo celisaa xoolihii aad iga dhacdeen oo kakooban geel, ari, lo, ido, fardo, dameero, banaadiiq, lacag, camber, dheyman, luul, baalgoroyo iyo kutub ayuu yiri sayidku 

Qaabka uu sayidku uqiimeystay hantida kamaqan ee uu doonayo in loosoo celiyo waxey uqornaayeen sidan soo socota:- 

  • Dahab qiimihiisu dhan yahay 100kun oo giniga istarliinka 
  • 900 oo baal gorey ah 
  • 30,000 oo kharshi ah iyo lacag kale oo aan tirsaneyn. 
  • 20 sanduuq oo camber ah 
  • 20 sanduuq oo dheyman ah 
  • 100 xabo oo luul ah 
  • Laba fool maroodi ah 
  • Banaadiiq iyo saanad badan aad iga dhacday 

Dhamaan raga aad heysatid ha ahaadeen kuwaad maxaabiis ahaanta kuqabsatay iyo kuwa nagasoo fakaday waa inaad iisoo celisaa, dalkeygii oo dhan iyo daarihii aad iga dumiseen magdhow kabixisaa, diyana kabixisaa dadkii aad leysay, anagu isma soo dhiibeyno, adna dan kuguma jirto inaad dhulkeena sii heysatid, siaan uxaqiiqsado iney dhab kaatahay heshiis iisoo gacangeli hantidaas aad iga dhacdeen. 

Waqtiyadaa waraaqaha iyo ergooyinka isweydaar sanayeen sayidka iyo ingiriiska daraawiish waxaa kuhabsaday furuq, duumo, iyo tacluus aad unaafeesay, waxeyna qubarada soomaalidu aaminsan yihiin iyo dadkii carbeed ee wax kaqoray in xanuunadaa ay kadhasheen bambooyinkii ay diyaaradihii ingiriisku kuduqeeyeen daraawiish, bambooyinkaas oo xambaarsanaa maadada loo yaqaano antarakis ama furuqa oo ahaa hubka wax gumaada. 

Ingiriisku markuu ogaaday in sayidka iyo daraawiishi dagaal mooyee heshiis iyo isdhiibid aan laga fileynin wuxuu abaabulay guuto caaqilo ah oo isaga raacsana wuxuuna siiyay saanad, lacag iyo waxey ubaahdaan si ay degmooyinka soomaalida ukiciyaan ayagoo leh wadaadkii ciidan maheysto, dadkiina xanuun baa kalaayay ee xoolahoodii oo cidla iska jooga kaalaya soo kaxeysta, dowlada ingiriiskuna wey idnku taageereysaa, sidaa daraadeed ayaa waxaa lagusoo saaray guuto afar madax ukala socota oo dusha sare uga talinayo caaqil laoran jiray xaaji warsame bulaale xaaji waraabe oo habar yoonis udhashay, waxaana garwade uahaa rag daraawiishta kabaxsaday. 

Ayadoo daraawiishi tabar xun tahay, arintoodana tahay goronyo habeen kudumay oo kale ayaa guutadaasi goor subax ah weerar kubalaarisay daraawiishtii xanuunsaneyd, aduun waxey daraawiishi heysatayna waa qaateen, xoolo kale hajoogeene geelii maalintaas daraawiish lagahelay wuxuu labaxay hagoogane, waxaana magacaa loogu bixiyay ninkii colkaa lasocday oo geelaas wax kasaayooday kibir buu lahagoogtay, ninkii haray ee aan colkaa sooraacina markuu arkay raggii kasaami qaatay sidey uhodmeen ciil buu lahagoogtay, ninkii ladhacay ee lahaa geelaana waa daraawiishtii xanuunsaneyde caloolxumo bey lahagoogteen. 

Markii dagaalkaa gaadma ah uu dhacey sayidka iyo rag lasocda waxey galeen 

Lasoco qeybta 8daad hadduu allaah idmo.     

Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.       

Email address: abuhamaam@hotmail.com    

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.