Barlamaanka KGS oo Xasaanada ka Qaaday 3 Xildhibaan

koonfur

Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa cod gacan taag ah Xasaanada uga Qaadey 3 Xubnood ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka dib markii Xafiiska Xeer ilaalinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ku edeysey in ay Dambi ka galeen Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ,iyo kicin bulsho. Xildhibaanadaas oo kala Xildhiban Ismaacil Ahmed Cabdullahi , Xildhibaan Xasan Maxamed Guudow, iyo Xildhibaan ibraahim Macalin Cali.

Waxaana Eedeynta Xildhiibanada hortoodi ka soo jeediyey Xeer ilaaliyaha Guud ee Koonfur Galbeed Abukaate Sheekh Aadan Mukhtaar (Shuuri)

Waxaa kulanka Baarlamanka Soo xaadirey 63 mudane , Waxana cod loo qaadey in kalsoonida lagala Noqodo Sedax Xildhibaan waxaa ogolaadey 38 waxaa diidey 10 waxaa ka Aamusey 15
Sida uu ku dhawaaqey natiijada codeenta Gudoomiyaha Baarlamanka KGS Dr Cali Saciid Faqi.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.