Dhageyso:Dadaalada Nabadeed ee laga dhex wado isimida Puntland iyo Deni

boqorka

Waxaa magaalada Bosaaso gaaray isimo uu hoggaaminay Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan iyo Islaan bashiir islaan Cabdulla si ay xal waara ugu raadiyaan xaalka magaalada bosaaso oo todobaadkii hore Dagaal ku dhex maray Ciidamada dowladda iyo kuwa PSF-ta.

Sidoo kale waxaa jira dadaalo ay wadaan qaar ka mid ah siyaasinta Puntland.

Madaxweeynayaashii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo Cabdi Weli Maxamed Cali Gaas iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid iyo qaar ka mida isimada dhaqanka ayaa dhawaan gaaray Garowe inkasta oo hadda xaaladdu degantahay haddana wali lama gaarin xal kama dambeysa.

Waxaana lagu wadaa in dhawaan ay gudbaan dhinaca Boosaaso.

Madaxdan ayaa wadaa dadaallo la doonayo sidii xal waaro looga gaari lahaa dagaalka Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa 24-kii bisha November soo saaray xeer madaxweyne oo uu ku magacaabayay agaasimaha cusub ee hay’adda PSF balse hoggaanka hay’addaasi ayaa magacaabistaasi iyo xil ka qaadistii agaasimihii hay’addaasi ku tilmaamay sharcidarro, taas oo keentay dagaal sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Warbixin arrintaasi ku saabsan waxaa inoo hayya wariyaha BBC Maxamed Xasan Dhalo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.