Daawo:Madaxweynaha Hirshabeelle oo shir guddoomiyay golaha wasiirada

guudlaawe

Madaxweynaha Dowladda goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay shirka Golaha Wasiirada Maamul-goboleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa Shirka Golaha Wasiirada ee maanta warbixin uga dhageystay Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda.

Golaha Wasiiradda ayaa maanta cod gacantaad ah ku ansixiyay xeerka ciidanka booliiska Dowladda Hirshabeelle oo labo todobaad ka hor golaha uu horgeeyay Wasiirka Wasaarada Amniga.

Ugu dambeyn Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay xubnaha golaha wasiirada dadaalka ay wadaan iyo shaqada adag ee dowlada u hayaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.