Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta oo Beeniyey Rooble inuu dhisanaayo dhulkii Ciidanka Badda

acdaala

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen dacaayado been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Wasiir Cadaala oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa beeniyay wararka been abuurka ah oo uu sheegay inay abaabuleen kooxo doonaya inay magac dilaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dadaal badan ku bixiyay sidii dalkan uu uga baaqsan lahaa dagaal, kuna guuleystay in dalka ay ka dhacdo Doorashada Golaha Aqalka Sare iyo tan Golaha shacabka oo bilow fiican mareysa, ayna ka go’antahay Ra’iisul Wasaaruhu in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waa Nasiib darro in dacaayadaas raqiiska ah loo adeegsado saraakil ciidan iyo xarumo dowladeed, Ra’iisul Wasaaraha markii uu arrinkaas arkay, waxa uu u maray
In lagu saxo dariiqa hay’adaha dowladda”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala oo hadalkiisa ku daray in guddiyada howsha baarista ah loo diray lagu sameeyay faragelin.

“Ra’iisul Wasaaraha mas’uuliyad aya ka saaran hirgelinta doorashada, Xukuumadda waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiineysaa inaysan dooneyn in dalka laga sameeyo talaabooyin qaldan oo baalmarsan sharuucda dalka u yaalo”. Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.