Maxaad Kala Socotaa Dulmiga Galmudug ku hayso Beesha Mareexaan

Qoorqoor

Maamulka Galmudug ayaa Dulmi iyo hagardaamo waxay ku hayaan deegaanada beesha Mareexaan ka dagto Galmudug iyo Masuuliyiinta kala duwan ee ku matalaya Maamulka Galmudug sida Xildhibaanada, Madaxwayne kuxigeenka, wasiirada, wasiir kuxigeenada iyo agaasimayaasha.

Deegaanada Beesha mareexaan ka dagto ee Galmudug waxaa laga cunaqabateeyey Mashariicda horumareed ee Maamulka Galmudug soo gaara, waxaana hay’adaha Samafalka loo diray waraaqo looga hor istaagayo deeganada Mareexaanka ka daga galmudug inaan mashariic horumarineed laga fulin.

Dhanka kale Masuuliyiin kala duwan ee Beesha mareexaan ku matala Galmudug oo ugu horeeyo Madaxwayne kuxigeenka Cali Daahir Ciid, wasiirada ,Xildhibaanada, agaasimayaasha waxaa lagu hayaa cadaadis iyo cagajuglayn kamana hadli karaan sida qaldan ee Beesha Mareexaan loola dhaqmayo.

Magaalooyinka Caabudwaaq, Balanball, iyo dhabad waxaa marar kala duwan ka dhacay Shirar looga soo horjeedo sida Qoorqoor iyo kooxdiisa wax kuwadaan.

Maamulka Galmudug ayaa waxuu wajahayaa dhibaatoyin kala duwan sida kooxda aragagixisada Shabaab oo Deegaano badan oo ka tirsan Galmudug la wareegtey, waxaa kaloo deegaanada Galmudug kajira Colaad beeleedyo u dhaxeeya beelaha Daga Galmudug kuwaas maamulka qoorqoor ku guul daraystay inuu wax ka qabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.