Wafti Ka Socda Hay’adaha Samafalka ayaa diyaarad ku tagay degmada Ceelwaaq

Ceelwaaq

Wafti ka socda Hay’adaha UN ayaa soo gaarey Degmada Ceelwaq ee Gobolka Gedo kadib markii la furay Gegidda Dayuuradaha ee degmadaas.

Hay’adaha ayaa socdaalkoodu daarranaa u kuur galidda xaaladaha bini adanimo ee kajira deegaanka iyadoo ay jiraan abaaro baahsan oo saameeyey bulshada kunool deegaanka.

Wafdiga ayaa waxaa soo dhaweeyey mamulka degmada, Saraakiisha ciidanka iyo waliba wasiir kuxigeenka wasaarada warfafinta jubaland oo dhawaanahaanba ku sugnaa deegaanka.

Dhanka kale waxaa ay kulamo laqaateen Hay’adaha ka howlgala degmada oo qeyb ka ahaa soo dhaweynta islamarkaana geeyey goobaha ay ka shaqeeyaan sida Isbitaalka degamada iyo goobaha quudinta caruurta nafaqa daradu hayso.

Wafdiga ayaa sidoo kale waxaa uu booqdey xerooyinka qaxootiga oo ku teedsan daafaha degmada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.