Maxaad Kala Socotaa Hagalkii Soomaalida ee Gumaysi Diidka ahaa 1862-1920 W/Q : cabdicasiis Khaliif Barre

calan

OGOW WAX BADAN AADAN HOREY U OGEYN OO KUSAABSAN HALGANKII SOOMAALIDA EE GUMEYSI DIIDKA AHAA   1862 ILAA 1920
AARAANTA GUUD

Qarnigii 19aad qeybtii dambe guud ahaan Afrika waxaa kadhacay tartartan kulul oo dhaxmaray dowladihii reer yurub , dowladaha qaarkood waxey doonayeen dhul ay kagurtaan waxyaalaha qaaliga ah sida dahabka, dheymanka, cudbiga, maxaasta, dhuxusha, fool maroodiga, macaadiinta hubka qatarta lagasameeyo, iyo alaabta warshadaha lagu socodsiiyo, qaarkoodna waxey doonayeen dhul ay kasoo saaraan cuntooyin aan dhulkooda laga heli Karin, kuwo kalana waxey doonayeen dhul ay kaduulaan oo istiraatiiji ah haddii uu dagaal kadhaco dunida guudkeeda, ama ay dunida kale kaciriiri geliyaan ganacsiga.


Tartankaas  oo ay qolo waliba doooneysay  iney danteeda gaadho ayaa wuxuu keenay heshiiskii magaaladii baarliin lagukala qortay sanadkii 1884tii , heshiiskii labaad ee baarliin kadhacay bishii febraayo 1885tii ee afrika lagu qeybsaday ayaa wuxuu furay tartan cusub , heshiiskaasna qodobadiisa waxaa kamid ahaa:-  dowlad kasta oo heshiis ladhigata dad dhul degan ay gaar uleedahay iney ceshiimeysato ganacsiga dhulkaas markey ogeysiiso dowlidihii heshiiskaas kaqeyb galay, sidaa daraadeed ayuu ingiriisku 1884tii degay xeebaha waqooyi ee dalka soomaaliya, faransiiskuna 1862dii saldhig uga sameystay OBOKH oo ah xeebta jabuuti, kadibna 1884tii uu jabuuti caasimad kadhigtay, sidaasoo kale ayuu talyaanigu 1892dii xeebta banaadir kaijaartay suldaankii sinjibaar,  xabashida oo ahayd dowlad afrikaan ah ayaa iyana tartankaa kaqeyb gashay waxeyna boobtay harar 1897dii waxaana kutaageeray ingiriiska, deeto xabashidu waxey iskusoo balaarisay ilaa xuduud beenaadka hadda udhaxeeya soomaaliya iyo itoobiya.


Duulaankaas gumeystuhu dhib badan buu kala kulmay, maal iyo dad badana waa kaga baxeen.Halgankii loogasoo horjeeday gumeystayaashaas dagaalkii  daraawiishta oo kaliya maahee waxaa jira dagaalo badan oo kadhacay meelo badan oo dalka gudihiisa ah waxaana kamid ahaa dagaalkii dhaxmaray talyaaniga iyo biyo-maal 1904tii ilaa 1912kii oo kadhacey dhulka hadda looyaqaano shabeelada hoose, iyo dhowr dagaal oo kadambeeyay oo kadhacey kismaayo, afmadow, sarinley, iyo luuq.,  dagaalkii sheikh xasan barsame ee ceel buur iyo dagaalo kadhacey butiyaalo, caseyr, baargaal, hurdiya oo ah xeebaha gobolka waqooyi bari ee soomaaliya.


DARAAWIISH


Dagaalkii daraawiishta ee sayid maxamed cabdule xasan wuxuu kubilowday halganka iyo dhaqdhaqaaqa gobonimo doonkii sanadkii 1895tii balse dagaalka ayaa qarxay 1900kii ilaa uu kadhamaaday 1920kii wuxuuna gaaray dhiig meydh ilaa dani gayeesiisay ingiriisku inuu diyaarado kula dagaalamo daraawiish.


DHALASHADII SAYID MAXAMED CABDALA XASAN, KORIIMADIISII, WAXBASHADIISII, IYO HALGANKIISII
Taariikh aan laogeyn ayaa sheikh xasan nuur oo ahaa sayidka awoowgiis katagay gobolka qalaafe oo ah dhulka webi shabeele kumagacaaban, halkaasoo beeshuu kadhashay daganeyd, wuxuu ukacay nugaal oo ahayd dal wanaagsan oo duunyana hodan kuah, sifiicana loogu noolaan karay, culimadana had iyo jeer uxoolo doonan jireen, dagaal yahanaduna ufardo doonan jireen.Sheekh xasan nuur markuu nugaal muddo joogay oo dadkii iyo dalkii kalabartay, xoolo fiicana kahelay waxaa gashay hawo guur, dabadeedna wuxuu guursaday gabar reer nugaaleed ah oo magaceeda lagu sheegay khadiija jaamac, wuxuu kaloo guursaday haween kale oo caruur badan udhalay, caruurtaa tiradooda waxaa lagu sheegay 12wiil iyo 11 gabdhood, caruurtaa waxaa ugu weynaa cabdulle xassan nuur oo sayidka aabihii ahaa.
SAYIDKA AABIHII oo ahaa cabdulle xasan nuur wuxuu kudhashay dooxada layiraahdo CASUURA  oo magaalada laascaanood dhinaca waqooyi galbeed kaxigta , unajirta hilaadii dhowr iyo sodon meyl, wuxuu kukoray, kuna barbaaray , diintana kubartay gobalada nugaaleed oo barwaaqo ahaa, reerkoodiina waxay noqdeen dad nugaal sirasmi ah udagan.
SHEEKH CABDULLE XASAN oo ahaa sayidka aabihii isagoo 26jir ah ayuu guursaday gabar laoran jiray timiro seed magan, waxey udhashay toban caruur ah oo uu uweynaa sayid maxamed cabdulle xasan
SHEEKH CABDULLE XASAN wuu kaqeyb galay daraawiish dhisideedii, dagaalada badankoodiina waa katalo dhiibtay, wuxuuna kudhintay xaruuntii daraawiishta ee taleex sanadku markuu ahaa 1913kii, qabrigiisiina waxaa lagadhisay qubcad can ah.


SAYID MAXAMED CABDULLE XASAN  wuxuu kudhashay dhulka looyaqaano  ciid wanaagsan ama laaso, baliga layiraahdo  saamadeeqo OO MAGAALADA BUUHOODLE  todobo meyl ujira, kana xiga dhinaca waqooyi, wuxuuna dhashay GUGA labaxay GOBEYSANE waxaana lasheegey inuu ahaa  GU barwaaqo ah oo dad iyo duunyo wixii dhashay ay hanaqaad noqdeen.


Sayidku Wuxuu dhashay markey taariikhdu ahayd 1864tii, wuxuuna kukoray nugaal, xoolo dhaqato reer guuraa  ayay ahaayeen reekooda, markuu jiray 12sano ayuu quraanka dhameeyay, nin firfircoon oo fahmo badana wuu ahaa, kutubta cilmiga diinta waxaa uakhriyay aabihii cabdulle xasan, kadibna xer diinta raacata buu kamid noqday, taasna waxey dhaxalsiisay in lagu magacaabo AW-MAXAMED SHEEKH CABDULLE XASAN oo xurmo usoo jiiday.


SAYIDKU 30jir markuu ahaa ayuu usocdaalay xajka iyo inuu cilmiga diinta soo kororsado, waxaana lasocday koox culimo ah oo cadadkoodu ahaa 13 qofood, waxaana kamid ahaa laba abtiyadii oo kala ahaa XAAJI AADAN SEED, IYO XAAJI OBSIYE SEED.,  wuxuu maka sii joogay labo sano, waxey maka kukulmeen sheikh maxamed saalax oo dariiqada saalixiya sheikh uahaa, waxna waa kasoo bartay, deeto cadan buu kusoo noqday,  1885tii ayuu doon kasoo raacey cadan oo yimid BERBERA , markuu xeebta yimid oo alaabtiisii qaadan lahaa ayaa nin ingiriis ah kuyiri alaabta canshuur kabixi , sayidkuna wuxuu kujawaabay adiga yaa canshuur kaaqaaday markaad halkan imaneysay, dalka ma adigaa iska leh., GAALKII wuxuu damcey inuu xiro sayidka , waxaase kala hadlay raggii turjumaanada ahaa.


SAYIDKU wuxuu dagay BERBERA wuxuuna guursaday afo laoran jiray BARNI XIRSI oo udhashay MAHDI SAYID MAXAMED CABDULLE XASN oo caruurtiisa ugu weynaa,
SAYIDKU wuxuu aas aasay majlis dariiqada saalixiyada lagu faafiyo oo wacdi iyo waanaba laga jeediyo, deeto sayidka waxey isqabteen culumadii qaadiriyada oo BERBERA horey udaganaa, culumadaa sayidka kasoo horjeeday waxaa kamid ahaa SHEEKH CABDULLAAHI CARUUS, SHEEKH IBRAAHIM XIRSI GUULEED, SHEEKH KABIIR AW-CUMAR,  AW-GAAS AXMED, iyo culumo kale.


SAYIDKU nin aftahan buu ahaa, dad badan buu kuyeeshay BERBERA, wuxuuna xaaraantimeeyay calalinta qaadka, iyo ineyan banaaneyn gaalada xiriirkooda, arintaasoo culimadii kale jecleysan.


1891dii xeebta BERBERA waxaa kasoo degay mishinkii kiristaanka ee mad-habta kaatooliga deeto waxey iskuul lagu faafiyo kiristaanka kafurteen banaanka BERBERA iyo gudaheedaba sida DEYMOOLE, IYO MAJACASEEYA.


Waxaa jira in turkigu 1865tii kahor ay magaalada BERBERA kadhiseen daar weyn oo ay dowladii cusmaaniyiinta lahayd waxaana kudhaganaa MASJID,  daartaa waxaa markii dambe dagey nin ingiriis ah wuxuuna dhowr jeer kacowday aadaanka masjidka, markii laga joojin waayay ayuu gaalkii dilay wadaadkii muadinka ka ahaa masjidka, deeto dadkii magaaladaa kacay, sayidkana arintaa buu kafaaideystay isagoo baraarujinayo dadkii kadhiidhiyay dilkaa,
SAYIDKU markuu culeys badan kala kulmay culmadii kasoo horjeeday iyo dadkii taabacsanaa ingiriiska wuxuu kaguuray BERBERA wuxuuna uguuray MIYIGA, ujeedada ugu weyna waxey ahayd dadka soomaalida oo 90% miyiga daganaa, afkaarta gaaladana wey kafiyoobaayeen, wax xiriir ahna lama lahayn.


1897dii dabayaaqadiisii ayuu sayidku kabaxey BERBERA isaga iyo koox culimo ah, wuxuuna sii marey meelihii ay gaaladu iskuulada kafurteen siuu usii ogaado heerka uu marayo arintooda iyo shaqada ay hayaan. Waxaa lawariyay in sayidku uyeeray wiil yar oo dhiganayay iskuuladaa wuxuuna kuyiri magacaa wiilkii yaraa baa kujawaabay joon cabdullaahi, yaad tahay buu weydiiyay , markaasuu cunugii yiri reer faadar baa ahay, halkaa waxaa sayidka ugu cadaaday in diintii labadalay , caruurtiina lamagac dooriyay, dalkiina lala wareegay.,  deeto sayidku magaalada sheikh buu gaaray oo dariiqo axmadiya tiilay, culimo joogteyna wuxuu kala hadlay dhibka gaalada diinta masiixiga faafineysa, kadib burco buu yimid oo markaa ahayd ceel xooluhu kacabaan, wuxuu usii dhaafay dhinaca oodweyne wuxuuna kulakulmay SULDAAN NUUR AXMED AMAAN oo halkaa magic weyn kulahaa, waana lasoo dhaweeyay, wuuna soo dhaafay wuxuuna sayidku dagay QORYOWEYN oo ah ceel magaalada ceynaba geesta galbeed kaxiga oo hilaadii 29 meyl ujira oo sidaa biyo badan ulahayn, sayid maxamed halkaas baa ugu horeysay meel uu daraawiish aas aaskeeda kabilaabo, dariiqada saalixiyadana kafidiyo


1898dii ayuu sayidku QORYOWEYN kadhisay mowlac LAGU TUKADO, kutubtana lagu raacdo, muddo yar kadibna ubadalay masjid weyn , dadkana ugu baaqay in diinta labarto, wuxuuna sayidku bilaabay inuu jeediyo wacdi iyo wax kasheeg gaalada kasoo horjeeda daraawiish iyo diinta islaamka, dadkiina waa uriyaaqeen, magacii daraawiishna waa hirgalay, dad badana xaruuntii sayidka bey usoo guureen, wuuna heshiisiiyay dadkii isdilayay,
Bishii luulyo 1899 sayidku wuxuu waraaq uqoray suldaan diiriye suldaan xasan oo ciidagale ahaa, isagoo uga digayay in caruurtooda lagaaleysiiyo, waraaqdaa markii laga dhax akhriyay shirweynihii uu katalinayay suldaan diiriye bulaan baa kadhax qarxay oo xagga diinta ah.


1899 ayaa sayid maxamed isku dubariday dad lagu qiyaasay shankun oo qofood oo rag iyo dumar isugu jira, magaca daraawiishna wata, xoolo kufilan oo geel iyo fardo ubadana iyo laba boqol bundulna heysta, dadkaasna waxaa ubadnaa dadkii nugaaleed, kuwaasoo aan xiriir la lahayn ingiriiska, sayidkana uu kadhashay, aqoon dheeraadna ulahaayeen, ahaana reer miyi, xoolo, fardo iyo dhulka nugaaleed oo dhulsan ahaana rabbi kumaneystay.,  Indoor kadib sayidku wuxuu kaguuray qoryo weyn, wuxuuna dagay bali layiraahdo DAREEMO CADO oo buuhoodle dhanka waqooyi galbeed kaxiga.


Bishii oktoobar 1899 ayaa daraawiish talo kugaartay mar hadeynu damacsanahay ineynu diinta nooleyno, dariiqada saalixiyana faafino, gaaladana kujihaadno, dad iyo duunyana urursano waxaa lagama maarmaan ah ineynu garab iyo gaashaanba kahelno degmooyinka galbeed togdheer iyo oodweyne iyo inta intaa kadhaxeysa dagan,  dabadeedna hub iyo faras wixii markaa lahelikaro inta la uruursaday ayaa waxaa lagudoonsaday in galbeed shir loogubaxo, sidaasna waxaa loola jeeday in gaalada lacabsi geliyo oo dhaq dhaqaaq lasameeyo., sitaa loogu dhaqaaqo ayaa col shankun oo qofood kakooban, sayid maxamedna horkacayo ay galbeed uamba baxeen, dabadeed colkii wuxuu tagay BEER, BURCO, IYO OODWEYNE,  dhaqdhaqaaqaa uu sameeyay sayidka daraadii ayaa hindidii iyo carabtii ganacsiga kuheysatay BERBERA ucarareen CADANGARAAD CALI GARAAD MAXAMUUD oo nugaal garaad uahaa ayaa kahoryimid sayidka iyo daraawiish sidey wax uwadaan, deeto sayidka dad xigaalo la ah GARAADKA ayuu udiray siay ulasoo hadlaan, wuuse diiday GARAADKU, wuxuuna yiri dhulka nugaal gaalo majoogtee sayidku hadhaafo halkan anigaa GARAAD KA AH oo xukumo, wuxuuna kunuux nuuxsaday nugaal iyo dadka dagan anaa boqor uah taladoodana nin iiga dambeeyo maahee nina uguma dambeynayo.


BISHII OKTOOBER 1899 ayaa waxaa laogaaday in garaadku kacodsaday boqor cusmaan inuu joojiyo taageerada uu siinayo wadaadka, kadibna markii xal looheli waayay garaadka waxaa goaan lagu gaaray in garaadka ladilo, waxaana loodiray dad xigto uah, weyna dileen garaadka isagoo warmaqabe ah, taasi markey dhacday dadkii waxaa gashay dhiilo colaadeed, markaasaa sayidka iyo dariiqadiisii kaqaxeen nugaal  waxeyna uqaxeen cari ogaadeen, waxeyna saldhigteen haradigeed oo ah bartamaha degmada maxamed subeyr, sifiican waa loosoo dhaweeyay sayidka , dadkiina waa heshiisiiyay, aadna waa looraacay sayidka, dadkiina wuxuu ugu dhawaaqay.
Lasoco qeybta labaad hadduu allaah idmo.


Diyaariye: cabdicasiis khaliif bare.  Email address: abuhamaam@hotmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.