Midowga Musharraxiinta oo soo jeediyay in la hakiyo doorashada Soomaaliya

xasanshiiq

Golaha Midowga Musharraxiinta madaxweynaha ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen maanta mar kale soo jeediyay in la hakiyo doorashada socota ee Golaha Shacabka, iyaga oo sidoo kale sheegay inaysan aqbali doonin waxa ay ugu yeereen ‘boobka qaawan’.

“Goluhu wuxuu 30-kii November 2021 u caddeeyay shacabka Soomaaliyeed iyo beeshaa Caalamka inuusan qeyb ka aheyn, aqbaleyna boobka qaawan ee doorashada Golaha Shacabka ay ku billaabatay. Golaha waxaa u socda wadatashiyo ku aaddan sida ugu habboon ee looga hortagi karo boobka lagu hayo doorashada” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Golaha Midowga Musharraxiintaa oo intaas ku daray;

“Goluhu wuxuu kala xulanayaa hadba tallaabada ku babboon ee dalka looga samatabixin karo xaaladda adag ee uu marayo. Goluhu wuxuu mudnaata siinayaa in la saxo habraaca iyo habdhaqanka doorashada lagu wado”

Bayaanka Midowga Musharraxiinta ayaa u qornaa sidan;

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.