Bayaan Kasoo Baxay Qurbajoogta Sade ee Boqortooyada UK

cabdisacdi

Kadib markii aan baraha bulshadu ku xariirto iyo warbaahinta ku aragnay koox laga abaabuley Degmada Caabudwaaq oo ku hadleysay magaca beesha Sade ee waqooyiga Galgaduud, waxaan si buuxda u cambaareeyneynaa dadkii aan xilkaska ahayn oo kulankaas ka hadalay ee adeegsaday magaca beesha Sade ee Galmudug, kuwaas oo ay horboodayeen niman xagjira oo laga soo diray Hoteel Jasiira madaxna uu yahay Cabdi Sacdi Jaamac oo ahaa ninkii dhalinyarada badan ka kaxeeyey Caabudwaaq xiligii AHUN Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kuna biiriyey kooxihii xagjirka ahaa, taas oo sababtay in 16  ka mid ah ay kun dhintaan Idaale ee u dhaxaysa Baydhabo iyo Diinsoor, kuwaas oo ahaa dhalinyaro da’yar ah oo uu khalday.

Mar kale waxaa xusid mudan in xiligii Al Sunah ka talineysey Gobolada Dhexe ee la doortay Yuusuf Laba Gare in uu weeraray Caabudwaaq, asaga oo Al shabaab soo dirsaday, dhacdadaasina ay sababtay 6 dhalinyaraha oo wada ilma adeer ah in ay ku dhintaan.

Sidaas awgeed waxaan ummada Soomaaliyeed, dawlada Galmudug iyo beesha Sadeba inta aan xogogaal ahayn u sheegaynaa in maanta oo taariikhdu tahay 10/11/2021 kooxdii ka hadashay Caabudwaaq aysan matalin oo ku hadli Karin beesha afkeeda ee ay ahaayeen koox ay soo dirsatay Al Shabaab oo dooneysay in ay xubno ku yeelato baarlamaanka 11aad, ee soo socda oo uu horboodaayey Cabdi Sacdi Jaamac, raadraacana ay u tahay dhacdooyinka sare ku xusan, waloow dadka lasu keenay ay ahaayeen kuwo uu marinhabaabiyey ninkaas caadeystay in uu ka ganacsado dhiiga shacbiga siiba dhalinyarada, kursiga uu ka hadlaayey Cabdi Sacdi jaamac ee Beeshiisa odayaasha dhaqanka ee ka masuulka ah waa Cabdi Aden Cabdulle (afku Xoogweyn iyo Axmed Cabdi Nuure Xuubeey, kamana mid ahayn shirkii uu qabsaday ninkaas xagjirka ah, sidoo kale odayaashii dhaqanka iyo ugaaskii baa magaalada ku sugan oo aan rajayneyno in kuwaas bulshada magaceeda dhaamaaya ay u jawaabi doonaan.

Wabilaahi Towfiiq Bayaanka waxaa Soo saaray

Qurbajoogta Sade ee Boqortooyada UK

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.