Wasiirka Qorsheynta oo Muqdisho ka furay shirka Xalka Waara

jamaal

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta Qaranka, Mudane Jamaal Macxamed Xasan ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay Aqoon-isweedaarsi socon doona saddex cisho ah oo ku aadan Xalka Waara.

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka oo kaashanayna, Hay’adda ReDSS, Urur goboleedka IGAD, iyo Baanka Adduunka (World Bank) ayaa soo qaban qaabiyey tababar looga arrinsanayo Xalka Waara iyo fulinta Istraatiijiyada Xalka Waara, iyadoo uu ahmiyad ballaaran u leeyahay hay’adaha kala duwan ee ka qeyb galayo oo ka kala socda Wasaaradaha Dowladda Federaalka, Dowlad Gobaleedyada, Gobalka Banaadir, Hay’adaha Maxaliga and Caalimiga, Macadyada Cilmi barista, iyo Jamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

Ujeeddada ugu weyn tababarkan looga gol’leeyahay waxay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa fahanka iyo hergelinta barnaamijyada Xalka Waara ee sarkaashiga Dowladda dhexe, Maamul Gobaleedyada, Gobalka Banaadir iyo Hay’adaha la sheeqeeya. Xog wanaagsan in ay ka haleen waxa uu yahay Xalka Waara iyo sidii xalkaas loogu heli lahaa bulshada ku barakacday gudaha dalka ee ay la soo gudboonaadeen duruufo nololeed oo adag, si ay ula mid noqdaan bulshada kale ee caadiga ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.