Sawiro:Guudlaawe oo kulan la qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle

guudlaawe

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay qaar kamid ah duubabka dhaqanka Hirshabeelle.

Madaxweynaha iyo duubabka dhaqanka ayaa iska xog waraystay xaaladaha guud ee deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay duubabka doorka muuqda ay ku lahaayeen dhismihii  Hirshabeelle iyo doorkii muuqda ee ku lahaayeen dowlad dhiska Soomaaliya, isagoo u sheegay inay door muuqda ku yeelan doonaan doorashada Golaha Shacabka oo si daah furan uga qabsoomi doonta Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.