Daawo:Koonfurgalbeed oo ku gacan Sayrtay Amarkii Lagu Joojinayey kursiga Jawaari

jawaari

Guddiga hirgelinta doorashada Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid Go’aankii Maanta kasoo baxay Guddiga doorashada heer Federaal ee lagu hakiyey qabashada doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP103 oo uu ku fadhiyo Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha Guddiga dorashada Koonfur Galbeed ee SEIT Yuusuf C/qaadir Baafo oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in Guddiga FEIT aanu xaq u laheyn inuu joojiyo doorashada kursiga HOP103, xili cabasho uu kasoo gudbiyey Jawaari.

Waxaa uu sheegay Guddoomiye Yuusuf C/qaadir in Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Federaal Maxamed Xasan Crro uusan wax sharciyad u heysan ee uu kursigaas ku joojiyo doorashadiisa, looga diiwaan-geliyay Musharaxiinta u tartameysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.