Ciidamada Amniga Puntland oo Ka horyimid Amar Kasoo baxay Deni

deni

Ciidamada amniga ee maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ka hor yimid go’aan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni uu xilka ugu magacaabay agaasime cusub ee Ciimada.

Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa sheegay in go’aanka uu soo saaray deni uu baalmarsanyahay sharciyada, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban”

Qoraal kasoo Baxaty Ciidanka PSF ayaa sidaan u qornaa.

Bismillaahi AlRaxmaani AlRaxiim.Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.

Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya.

Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xiriirada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon mayaan difaaciina iyo ilaalinta amnigiina.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.