Daawo:Mahad Cawad iyo Xildhibaan kale oo Bari lagu dooranayaa Dhuusamareeb.

cawad

Guddiga doorashada Heer Federaal ayaa Maanta shaaciyay in Maalinta Berito ah lagu qaban doono Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal Axmed Safiina oo  lahadalay warbaahinta ayaa sheegay  in labada kursi ee ugu horreeysa 5 Xildhibaan ee lagu dooranayo Dhuusamareeb beri la dooranayo, kuwaas oo kala ah HOP26 oo ay ku fadhido Ikraan Aadan Absuge & HOP104 oo uu ku fadhiyo Guddoomiye kuxigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mahad Cabdalla Cawad.

Afhayeenka ayaa ergada wax dooraneysa ugu baaqay inay hoolka doorashada soo xaadiraan 8:00 Subaxnimo halka 9: 00 Subaxnimo  la doonayo inay yimaadaan musharrixiinta labada kursi ku taratamaya.

Labada Kursi ee Bari lagu dooran rabo dhuusamareeb ayaa waxaa kamid Mahad Cabdalle Cawad Gudoomiye kuxigeenka Barlamaanka Soomaaliya kaas oo la filayo inuu bari helayo Codad badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.