Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo dib loogu doortay Golaha Shacabka

maareeyegedotimes

Doorashada kursi kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa Goordhow ka dhacday Xarunta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, Magaalada Muqdisho.

Doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP225 ayaa waxaa ku tartamay laba Musharax oo ah Cabdiraxmaan Warsame Saciid iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ku guuleystay codad gaaraya 96-cod halka C/raxmaan Warsame uu la yimid codad dhan 3-cod.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.