Wasiirka Caafimaadka oo kormeeray isbitaalada ku burburay dagaalkii guriceel

wasiirgalmudug

Wasiirka Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac oo ay wehliyaan qeyb ka mid ah xubnaha wasiirada ah ee ku jira Guddiga gurmadka dadka ay saameyntu kasoo gaadhey dagaalkii Guriceel  ka dhacay todobaadkii hore ayaa kormeer ku tagey qaar ka mid ah isbitaalada Guriceel ee ay saameynta ku yeesheen madaafiicdii ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka iyo xubnaha la socday ayaa si gaar ah u booqday isbitaalada Istarliin iyo Kulmiye oo ay saameyn xooggan kuyeesheen dagaalada, si gaar ahna uu gabi ahaanba gubtay Isbitaalka Kulmiye oo ay basbeeleen 21-qol iyo waxii qalab ah ee dhex yaaley.

Dr. Cabdiwali Cabdulahi Jaamac, Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa sheegay in waxyeelada gaadhey goobahan Caafimaadka tahay mid baaxad leh kana balaaran wax ay ku filantahay wax ka qabashadooda wasaradda Caafimaadka Galmudug oo si gaar ah isugu howshay in la dayactiro qaybta raajada isbitaalka Istarliin oo madfac ku dhacay uu burburiyay dhismahaasi.

Isbitaalada Guriceel oo qaarkood saameyntani soo gaartay ayaa qaabilaya daryeelka Caafimaad ee kumananaanka qoys ee guryahooda ka barakacay kuwaasi wali la daalaa dhacaya saamaynta caafimaad ee kasoo gaartay dagaalka dhowrka maalmood qaatay ee ka socday Magaalada Guriceel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.