Guddiga xallinta Khilaafaadka oo ka horyimid habraaca doorashada gobollada waqooyi

Doorasho

Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya Heshiiskii 17 Septembar 2020, Habraacii 1-da October ee lagu dhisay Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban 2020/2021, Heshiiskii 27 May 2021 iyo War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021, wuxuu cadeynayaa in GXKHDD;

1- Uu mas’uul ka yahey u garnaqida iyo xallinta cabashooyinka ay u soo gudbiyaan ergooyinka iyo musharixiinta ay si toos ah u saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada dadban 2020-2021.

2- Uu awood sharci ah u leeyahay inuu baaritaan ku sameeyo oo uu go’aamiyo cabashooyinka iyo diidmada laga keeno arrimaha la xiriira musharaxnimada ama cod-bixiyenimada.

3- Uu awood sharci ah u leeyahay inuu eego oo go’aamiyo muranada lagu diido go’aanada ay gaareen guddiyada labada heer ee ku aadan kala shaandheynta ergooyinka iyo murashaxiinta u tartamaya Baarlamaanka 11-aad JFS.

Hadaba, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021 asaga oo tixraaceyna “Habraaca Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Gobolada Waqooyi (Somaliland)” ee soo baxay Tr: 30/10/2021, Qodobka 3aad farqadiisa 12aad ee u qoran sidatan (wixii Khilaafaad ah ee ay Guddiga xulista ergooyinka beeluhu xallin kari waayaan waxaa xallin doona oo go’aan kama danbeys ah ka soo saaraya Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland) wuxuu cadeynayaa in qodobkani uu si toos ah uga hor imaanayo mas’uuliyaadka loo igmadey Guddiga Xalinta Khilaafaadka, aysana jirin cid kale oo awood shari ah u leh xallinta cabashooyinka ka dhasha Doorashooyinka dadban 2020-2021.

Sidoo kale, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada dadban wuxuu xasuusinaynaa Guddiyada Maamulka Doorashooyinka Heer Dawlad Goboleed (SEIT) iyo Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (FEIT) in ay dhawraan dhamaan Heshiisyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran, gaar-ahaan War-murtiyeedkii Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee soo baxay 21-22 Agoosto 2021, Qodobkiisa 2-aad ee Habraaca xulista ergooyinka doorashada iyo Qodobkiisa 5-aad ee Hindisaha Daahfurnaanta Doorashada 2021.

Ugu danbeyn, Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, Asagoo gudanaaya waajibaadkiisa shaqo si waafaqsan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo dhamaan Habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka dhawrayana hufnaanta doorashada si ay u dhacdo doorasho hufan oo cadaalad ah, wuxuu ugu baaqayaa Gudoonka Sare ee Doorashooyinka Somaliland in ay si deg deg ah u saxaan Qodobka 3aad farqadiisa 12aad ee Habraaca Doorashada Golaha Shacabka BFS ee Gobolada Waqooyi (Somaliland) oo ay waafajiyaan Heshiiskii 17 Septembar 2020 iyo Habraacyadii ay soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.