Amisom oo beenisay inay ku lug lahayd dagaalkii ka dhacay Guriceel

amisom

Hoggaanka howl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa iska fogeeyay eedeymaha ku saabsan in ay ku lug lahaayeen, isla markaana ay taageero ku siiyeen ciidamada ammaanka Soomaaliya dagaalkii ay horraantii todobaadkan kula galeen kooxda hubeysan ee Ahlusunna Waljamaaca magaalada Guri-ceel.

War kasoo baxay xafiiska howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay  oggolaasho u haystaan oo keliya nabad ilaalin, iyagoo raacaya waajibaadka ay Golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika iyo Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay u siinayaan.

“Eedeymahan ayaa ah been abuur , sun iyo kuwo xaasidnimo, oo si bareer ah loogu tala galay in mad-madoow lagu dhex geliyo AMISOM iyo Soomaalida” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya.

Hadalka AMISOM ayaa imanaya markii ay hoggaanka Ahlu-sunna ku eedeeyeen Ciidamada howl-galka nabad ilaalinta midowga Afrika ee Soomaaliya inay gacan ka geysteen dagaalkii dhowaan ka dhacay degmada Guri-ceel.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.