Madaxweyne Farmaajo oo Xeer kasoo saaray ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud ee xilliyada Doorashada.

Farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hortagaya in lagu takri-falo hantida dadweynaha, si musuq maasuq ahna loola wareego;

Madaxweynaha oo tixraacaya dikreetada uu soo saaray 18-kii Jan, 2018-kii ee la xiriirtay ilaalinta dhulka dan-guud;

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ka duulaya xogta ku saabsan in dhulalka dan guud ah sida dhulka Ciidanka Asluubta ee Ex Kontorool Afgooye, goobaha waxbarashada iyo dhul kale oo ku yaalla Suuqa Siinaay iyo u sameynta dukumiinti sharci darro ah. Hay’adaha sharciga ee ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan shakhsiyaadka ku lugta leh;

Madaxweynaha oo garowsan in Hantida Danta-guud uu dhowray Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo Qaanuunka dalka, sida ku cad qodobka 43-aad ee Dastuurka, ayna waajib ku tahay Dowladda in ay u ilaaliso hantidaas si ka caaggan damac shakhsi iyo maamul xumo;

Madaxweynaha oo xaqiijinaya in Dhulka Danta Guud uu ka mid yahay dhaxalka ay wadajirka u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, aysanna jirin cid gaar ah oo xaq u leh in ay la wareegaan, iibsadaan ama kireystaan si hareer marsan dastuurka iyo qawaaniinta dalka;

Waxa uu mar kale soo saaray Xeerkan;

  1. Waxaa Xeer Madaxweyne lagu joojiyey heshiis kasta oo ku saabsan kala wareejinta, iibka, kireynta iyo qaab kasta oo la xiriira ka macaashka dhulka danta-guud, inta laga soo dhammeystirayo xeerarka iyo shuruucda Baarlamaan ee hageysa.
  2. Maadaama Sharci Baarlamaanka Federaalku uu soo saaro ay xaddidi doonto baaxadda, muddada iyo shuruudaha rukhsadaha istcimaalka dhulka Danta-guud, lama bixin karo ruqsad ku saabsan isticmaalka si kumeel gaar ah ama abadiga ah ee berriga, badda iyo hawada sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
  3. Iyadoo la tixgelinayo xilligan dalku uu u jiheystay doorashada, Masuulkii isku daya in uu bixiya ama la wareego dhulalka danta guud, waxa uu qaadayaa masuuliyadda ka dhalata iyo cawaaqibta sharci ee la xiriirta ku takri-falka awoodda, dayacaadda danaha Qaranka iyo musuqmaasuqa amaanada shacabka Soomaaliyeed.
  4. Ma jiro muwaadin ama maalgashade sifo sharci ah looga iibin karo, looga kirayn karo, ama loogu hibeeyn karo dhulalka danta guud wixii ka danbeeyey 8-dii Febraayo, 2017, sida lagu caddeeyay wareegtadii kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha 18kii Jannaayo 2018. Sidaas darteed dukumiinti iyo saxiix kasta oo arrinka la xiriira waxay ka dhigan yihiin sharci darro lagu muteysan karo ciqaab.
  5. Xeerkan wuxuu adkaynayaa wareegtadii dhaqangalka ahayd ee soo baxday 18kii Jannaayo 2018 ee la xiriirtay ku takri-falka iyo musuqmaasuqa dhulalka danta guud..

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.