Sawiro:Hawgal ka dhana Shabaab oo Ka Socda Shabeellada Dhexe

dagaal

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ka dhan argagixisada Al-Shabaab ka sameeyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 27-aad ayaa maanta waxa ay howlgalka ka sameeyeen deegaannada Basra, Buulo-kuute iyo deegaaanno kale oo hoostaga Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Inta ay howlgalka wadeen ciidanka xoogga dalka ayaa waxa ay qasaarooyin xoogan ku gaarsiiyeen kooxda nabad diidka ah ee Al-Shabaab, iyagoo bur buriyay fariisimo ay la haayeen argagixisada.

Sidoo kale ciidanka xoogga dalka ayaa ku qaarajiyay maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsan argagixisada Al-Shabaab.

Cidaanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa muddooyinka ugu dambeeyay kor u qaaday howlgallada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo todobaadyadii ugu dambeeyay howlgallo isdaba joog ah ka sameeyay deegaanno badan oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaasi oo ay kula wareegeen deegaanno hor leh.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.