Sawiro:Shabaab oo Dab Qabadsiiyey Dameero Raashin u Waday Degmada Waajid

Ururka Argagixisada Al shabaab ayaa Dab Qabadsiiyey Gaari Dameero Raashin u Waday Degmada Waajid ee gobalka Bakool waxayna dil u gaysteen dameerihii raashinka waday.

Uruurka 260, Guutada 9 aad, Qeybta 60-aad ee Ciidanka  Xoogga Dalka ayaa waxaa gurmad u fidiyeen kolanyo Safar  Gaari dameero ah  oo Argagaxisada  Al shabaab ay kugubeen duleedka Degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Markii Ciidamada Xooga ay gaareen halkii ay ku dhibateeynayeen argagixisada , ayaa waxaa halkaas ka dhacay Dagaal udhaxeeyay Ciidanka Xoogga Dalka iyo maleeshiyaadka arxan laawasha ah ee Al shabaab, halkaas oo jab xooggan looga geystay  maleeshiyaadka Argagaxisada.

Gaari dameeradan la gubay oo ay wateen dad Shacab ah ayaa Raashin u waday degmada Waajid ee gobolka Bakool argagixisada Al shabab ay go’doomiyeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.