Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida Dr Maxamed Daahir Afrax

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Dr Maxamed Daahir Afrax oo ku geeriyooday London.

“Waxaan Qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariiatee Dr. Maxamed Daahir Afrax, Guddoomiyihii Akadeemiyad goboleedka Afka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra”iisul Wasaare Rooble ayaa xusay in Marxuum Afrax uu ahaa aqoonyahan iyo qoraa Soomaaliyeed oo ku xeel dheer afka iyo dhaqanka Soomaaliyeed, wax weyna ku biiriyay horumarinta dhaqanka iyo qoraalka Afkeenna hooyo.

Jannadii Firdows Allaha ka waraabiyo ehelka iyo Ummada Soomaaliyeedna sabir iyo Iimaan Allaha ka siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.