Soomaaliyee Waxba Socdee Ma Baraarugnaa W/Q Dhiblaawe

calan

Aadanaha waxaa muhiim u ah saddexda waqti ee kala ah tagto,Joogto iyo timaado,marxaladahaan mid walba waxay dunida u leedahay faa,ido waase haddii mid walba la siiyo muhiimadeeda iyo garasho lagu fahmo oo waatan Soomaalidu dhahdaa (WAR HELAA TALO HELA).

1-TAGTO:-Aduunyada waxaa ka dhaca colaado,dhuufaano, dhulgariir,daadad,colaado,nabad, abaar iyo aaran, waa wax soo noqnoqda oo u baahan in loo tabaabushaysto hadday soo laabtaan wixii looga badbaadi lahaa ama looga faa,ideysan lahaa.

2-JOOGTO:-Waa xaalada markaas taagan oo mid walba u baahan tahay in wajiga ay leedahay loo wajaho,kama baxsana wqtiyada sare oo dhib iyo dheef lagala kulmo,waa midba say tahaye.Wixii ku soo maray baa aalaa loola laabtaa,adduunyaduna cilmi iyo horumar mar kasta kobca baa ka jira oo waa laysku kabaa si guusha loo gaaro ,waxa aalaaba looga gudbo oo waxaa la yiraa(NIN WAXA JOOGA GARANWAAYEY TIMAADADA WAX KAMA QAABTO)

TIMAADO:-Mar haddii la arkay wajiyada kala gedisan ee adduunyadu la timaado oo dhib iyo dheefba leh waxaa aadanahu gartay in uu dhibka imaan doona ka sii gaashaanto,barwaaqada iyo dheefta soo noqnoqotana sidii looga faa,ideysan lahaa loo sii diyaargaroobo oo murti baa lahayd (TAGTO DAA OO TIMAADO HAY).

Aan taabto halka aan u dan lahaa qarankii Soomaaliya ee qaarada Afrika kuwa ugu tunka weyn ahaa waa naloo quuri waayey,waxaana duulaan ku soo qaaday cadaw dantiisa naga dhex arki waayey oo adegsaday biiri qaatayaal naga mid ah,nacfiga la siiyey ka sokow hubka kiimikada adduunyada macnuuca ka ah mid ka khatarsan ee ah qabyaalad ayaa loo soo dhiibay,ugu denbayn halka ay na dhigtay cidna u sheegi mayo oo(KOR WAAYEEL WAA WADA INDHO),waxaan iyyana Meesha ka maqneyn falsafada gumeysaha ee ah(QAYBI OO XUKUN).

1-Ma dhawran karnaa kuwa Keenya oo ku goodisey haddii badda Soomaaliya Soomaali loo xukumo aqbali mayno,maalmahaana aanba maqlayey in ay biyahayaga u dkirtay ciidankeeda badda kuwa saaxiibka kula ah  oo Neyroobi looga taliyo?

2-Bal ayyadana wax ka dhaha kuwa Muqdishow inoo fadhiya ee ku haya Keenya waa walaaleheen?

3-Maxay salka ku hayaan dagaalada laga abaabuley Xamar,Hiiraan iyo Galgaduud?

4-Kooxda looga Taliyo Dabai ama Imaaraadka ee Saldhigoodu yahay Garoowe iyo Hargeysa ee wada shaqeeye warna kala shaqeeya oo dhaqan xumadu gaartay gabar la qabo walaalkeed oo ah caruurta guryaha u joogta abtigood in la soo tarxiilo,maxaa loola jeedaa?

Aan anigu bayaansho waa suntii hubka kiimikada ka khatarsanayad ee qabyaalada oo markii ay muuqatay in tii 1991kii aan ka soo kabanayno mar kale nala ku soo ridey,dadka shacbiga ah ee la qaldaayo in badan oo wax garaneysa baa ka buuxda ee aan intayada damiirka Soomaalinimadu u nooshahay iyo wadaniyadu ku baraarugno oo u tafaxaydano in aan tira yar oo imaan laaweyaal ah,

 Cadawgana ugu shaqaynaaya shilimaad shacbiga qabyaalad iyo isneceyb ku kala dilaan oo isku diraan,ayyada oo ujeedadu tahay in iftiinka aan dib u yagleelnay la damiyo oo haddii ay maanta naga guuleystaan jiri taataan banbe oo Soomaaliyeed aan la heli doonin.

(BALAAYO HOR LA QABTO BAY LEEDAHAY EE DABA LA QABTO MALAHA).Aaway culumadii,aaway aqoonyahay,aaway dhalinmyaradii maaanta oo kale loo baxsan jirey,aaway ururadii bulshada.Ugu danbayn aan su,aashaan idinka Tago Soomaalinimada yaa lagu halaynayaa mise waa ka maaranay? (TALADA ADAA KU NOOL EE AYYADU KUGUMA NOOLA),ma garan la,nahay in noleesheena iyo jiritaankeena lagu soo duuley,oo haddana qaarkeen naloo adeegsanaayo?

Wa bilaahi towfiiq, Dhiblaawe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.