Dhageyso:Qorshe Sheekh Shaakir uu ciidamadiisa kala baxayo Guriceel oo socda

Shaakir

Gobolka Galgaduud ayaa waxaa kasocda dhaqdhaqaaqyo nabadeed oo lagu doonayo in si nabada gacanta Maamulka Galmudug loogu soo celiyo magaalada Guriceel halkaas oo maalmo ka hor ay qabsadeen ciidamada Ahlusuna.

Xidhibaano ka tirsan maamulka Galmudug iyomasuuliyiin kale safar ku tagay magaalada Guriceel ee Galmudug si ay ula kulmaan saraakiisha Ahlu-Sunna ee Jimcihii qabsatay, uguna qanciyaan inay si nabada maamulka magaalada ugu soo wareejiyaan maamulka Galmudug.

Xildhibaannada waanwaanta wada oo gaaraya illaa shan ayaa markoodii hore ka soo galay maamulka Galmudug dhinaca wadaaddada Ahlu-Sunna, waxayna ka codsadeen maamulka Galmudug in iyaga laga war sugo oo waqti la siiyo si xal nabadeed loogu helo xiisadda ka taagan Guriceel.

Dhinaca kale Dhuusamareeb waxa ka socda diyaar garow ciidan oo ay wadaan ciidamada maamulka Galmudug iyo kuwa Dawladda Federaalka kaas oo ay doonayaan inay dib ugu qabsadaan magaalada Guriceel oo Jimcihii la soo dhaafay gacantooda ka baxday.

Hoos ka dhageyso warbixinta BBC

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.