Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Madaxwaynaha dalka Uganda

farmaajo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa kulamo kala duwan ka wada magaalada Adis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya, haalkaas oo uga qayb galay Caleemo saarka Ra’iisalwasaaraha Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri Museveni oo kulan-doceed ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ee ku qotoma dhinacyada iskaashiga ammiga, dhaqaalaha iyo arrimaha Gobolka, iyaga oo xoojiyey iskaashiga dagaalka lagula jiri argagixisada.

Sidoo kale waxaa uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Cabdullaahi Farmaajo magaalada Addis-Ababa kulan doceed kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha dib loo doortay ee dalka Itoobiya Abby Ahmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.