Sawiro:Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay caleema saarka Abiy Axmed

Farmaajo

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

Madaxwayne Maxamed Cabdullahi Farmaajo “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa  Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay  horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.