Sawiro:Karaash iyo wasiirada Puntland oo ka shiray dadka laga soo masaafuriyey laascaano

karaash

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta kulan la qaatay xubno ka mid ah Golaha Wasiirada, wuxuuna Madaxweyne Ku-xigeenku ka dhegaystay warbixin ku saabsan dadkii lagasoo barakiciyey Magaalada Laascaanood.

Kulanka waxaa kasoo baxay in xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ee ku shaqada leh arrimahan, kuwaasi oo kala ah Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Caafimaadka, Qorsheynta iyo Haweenka ay u kuurgalaan xaaladda dadkaasi booqdaan goobaha lagu soo dhoweeyay.

Puntland ayaa soo dhoweysay ku dhowaad 2000 oo qof, oo ay ku jiraan Carruurta iyo Haween kuwaasi oo lagasoo barakiceyey Laascaanood. Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland ayaa faray Wasiirada ku shaqada leh iyo hay’addaha kale ee Puntland in dadkaasi si dhow looga warhayo xaaladooda, loo gar-gaaro , ku gudbayana loo fududeeyo safarkooda.

Kulanka waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Puntland, Mudane Maxamed Cabdirashiid Cali.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.