Madaxwaynaha Soomaaliya oo u dhoofay Dalka Itoobiya

abiyaxmed

Madaxweynaha Mudda xileedkiisu dhammaaday ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u amba-baxay dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa ka qayb galaya Caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed,kaasi oo ay Caleema saarkiisa qayb ka yihiin wufuud iyo madax ka socota dalalka Africa.

Qoraal kasoo baxay Madaxtoyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in  Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo goordhaweyd u Safreen magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Soomawliya iyo Madaxda kale ee dalalka afrika ayaa ka qayb gala caleema saarka ra’iisalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.