Sawiro:Axmed madoobe iyo Wafti kasocda Beesha caalamka oo kismaayo ku kulmay

axmedmadoobe

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi kasocda beesha Caalamka.

Wafdiga waxaa kamid ah wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, wakiilka Midowga afrika ee Soomaaliya Francisco Caetano Madeira, Safiirka Midowga Yurub, Tina Intelmann, masuuliyiin kasocday Safaaradaha Sweden iyo Norway iyo xubno kale.

Kulankan waxaa lagaga hadlayay dardar galinta howlaha Doorashooyinka iyo sidii loo dhamaystiri lahaa xubnaha ka dhiman Aqalka Sare taas oo gogol xaar u noqon karta bilwoga aqalka hoose iyo dhamaystirka howlha Doorashooyinka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha ay tahay in lagu garab istaago oo loo madaxbaneeyo shaqooyinka horyaala taas oo wax badan ka tari karta shaqooyinka socda.

Dhinaca kale Madaxweynahu wuxuu ku baaqay in xal nabadeed laga gaaro arimaha kasoo cusboonaday Dowlad Goboleedka Galmudug si ayna caqabad ugu noqon shaqooyinka muhiimka ah ee horyaala Dowlad Goboleedkaas taas oo ay masuul ka yihiin sharciyadna u leeyahiin maamulka deegaanadaas masuuliyiinta Dowlada Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.