Madaxwayne Farmaajo oo ka Tacsiyeeyey geeridii Xasan xaaji Maxamuud Garwayne

farmaajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa  uga tacsiyeeyey qoyska, Qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid  Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud Warsame (Xasan-Garweyne) oo ku geeriyooday magaalada Hargaysa.

Madaxweynaha Jahmuuriyadda ayaa tilmaamay in Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) uu ka mid ahaa siyaasiyiinta ruug caddaaga ah ee muddada dheer u soo adeegayey shacabka Soomaaliyeed, isaga oo door wanaagsan ka soo qaatay horumarinta Waxbarashada Somaliland.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi u dirayaa qoyska, qaraabada iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne), si gaar ah waxaan tacsi ula wadaagayaa Sanatar Naciima Xasan Xaaji Maxamuud (Xasan-Garweyne) oo uu Marxuumku aabbe u ahaa.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehelada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.