Munaasabad lagu dhaariyay saraakiil ka tirsan ciidanka GorGor oo Muqdisho lagu qabtay

ciidan

Wasiirka Gaashandhigga Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka qeyb- galay Munaasabad lagu dhaarinayay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno iyo ururka 10 Aad ee Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka ee GOR GOR.

Munaasabadda Sidoo kale waxaa ku sugnaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, Taliska Xarunta Tababarada Ciidanka ee Turkisom iyo Mas’uuliyiin ka socotay Safaaraadda Turkiga ee Soomaaliya ,

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Avv. Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan Kumaandooska GORGOR ay ka qeyb-qaateen Xorreynta Deegaanno ka tirsan Gobalada Dalka iyo Dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Sidoo kale waxa uu sheegay in looga baahanyahay in ay dhowraan sharafta Qaranka ay u dhaarteen .

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa wada qorshe ballaaran oo lagu tayeynayo Ciidanka Xoogga Dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.