Dagaal Sababay Qasaaro Dhimasho iyo Dhaawac oo ka Dhacay Galmudug

shiiqshaakir

Dagaal laysu adeegsaday noocyada hubka kala duwan oo dhaxeeya Ciidamada Galmudug oo kaashanaya kuwa dowlada iyo kuwa Ahlusuna ayaa ka dhacay Deegaanka Bohol oo dhuusamareeb u jira 30KM.

Sida Wararka sheegayo dagaalka waxaa uu sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac sida ay sheegayaan Laamaha caafimaadka Galmudug.

Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga qeybta 21-aad ayaa lagu soo warramayaa inay la wareegeen degaanka Bohol oo dhanka waqooyi ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa sheegay inya gudaha u galey deegaanka Bohol, kadib markii xubnaha is aruursadey ee Ahlusunna ay weerar kusoo qaadeen fariisimaha Ciidanka dowladda ee Bohol, isla markaana ay isaga baxeen halkaas Ahlusunna.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.