Askari Ka tirsan Ciidamada Puntland oo lagu Dilay Garoowe

puntland

Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamul Goboleedka Puntland ayaa lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badda  Maamulka Puntland ee PMPF loo yaqaano.

Sarkaalka oo lagu Magacaabi jiray Bootaan Maxamed Bootaan ayaa waxaa lagu dilay degaanka laanta Hawada oo Bari ka xiga Magaalada Garoowe, waxaana dilkiisa ka dambeeyay  askari ka tirsan Ciidanka Puntland.

Dilka ayaa ka dhashay kadib markii muran dhex maray marxuumka iyo ninka dilka gaystay oo isna gacanta lagu dhigay.

Dilkan duleedka Garoowe loogu geystay Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Nabadsugida Puntland ayaa kusoo aadaya xilli Maalin ka hor Magaalada Garoowe ay ilaalada Madaxweynaha Puntland ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.