Wasiir Saalax oo ku guulaystay Kursiga labaad ee xubnaha Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi

wasiir

 Magaalada Muqdisho gaar ahaan Teendhada Afisiyooni waxaa ka socota doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi, iyadoo goordhaw waxaa la doortay kursigii labaad.

Kursiga labaad ee doorashad ayaa waxaa ku tartamay Wasiirka Dastuurka Xukuumadda Soomaliya Saalax Axmed Jaamac iyo Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleymaan, waxana kusoo baxay Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac oo kursiga Aqalka Sare ku guleystay ayaa waxaa uu helay 29 Cod halka Gudoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare Ibrahim Iidle Suleymaan uu helay 12.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.