Sawiro:Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista oo kulan la yeeshay safiirka Kenya ee Soomaaliya

wasiir

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa kulan la qaatay Safiirka dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Danjire Lucas Tumbo oo Xafiiska Wasaaradda maanta ku soo booqday.

Kulanka oo looga hadlay dhowr arrimood oo muhiim ah isku socodka dadka ee labada ayaa diirada lagu saaray siyaabaha kor loogu qaadi karo iskaashiga Kenya iyo Soomaaliya ee dhinacyada horumarinta duulimaadyada iyo isku socodka dadka labada dal.

Labada mas’uul ayaa hoosta ka xariiqay muhiimada ay leedahay in la ballaariyo wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dowladood si loo dhowro sharafta iyo madax banaanida labada dal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.