Ilaada Madaxwaynaha Puntland oo Toogtay Qof Shacab ah

deni

Rasaas ay fureen ciidanka madaxtooyada Puntland ayaa sababtay geerida qof shacaba oo la sheegey inay ku dhex jirtay baabuur dhex galay kolonyo baabuur ah oo uu watay madaxweyne Deni,xili uu dib ugu soo laabtay Garowe Madaxwaynaha iyo wafdigiisa.

Ciidanka dilka gaystay ayaa ah kuwa gaarka ah ee Madaxweynaha Maamulkaasi Siciid Cabdulalahi Deni, waxaana goorta uu dilku dhacayay ay galbinayeen sida la sheegay madaxweynaha puntland.

Dilka ayaa ka dambeeyay kadib markii Gaariga ay sarnayd Gabdha la dilay uu dhexgalay Kolonyo gaadiid ah oo la socday Siciid Deni, waxaana ay rasaas ku fureen gaariga ay la socotay Marxuumad Maryan Axmed Caato oo ah Gabadha ay dileen Ciidanka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Mamaulkaasi Siciid Cabdulaahi Deni ayaa shalay socdaal ku maray degaanno ka tirsan Puntland, waxaana ugu dambeyntii uu dib ugu soo laabtay Caasimadda Maamulkaasi ee Garowe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.