Deni oo Warsangali Isbaaro u dhigtay iyo Xuduudii Puntland oo Garoowe Noqotay

denijamaal

Wasiirka qorsheynta xukuumadda federaalka Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ciidamo la socdey loogga reebay Deleedka magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland.

Wasiirka ayaa goor dhaweyd gaarey magaalada Garoowe, kagadaal safar dhulka ah, oo uu kaga yimid magaalada Dhahar isagoo soo baaray Deegaano badan oo katirsan puntland sida Qardho,

Wasiir Jamaal intuu soo maraayey deeganada kala duwan ee Puntland isaga iyo Ciidamadii la socday cid is hortaag ku sameysay majiraan, waxaa wax lala yaaba ah sababta keentay in duleedka garoowe isbaaro loogu dhigto.

Qaar kamid waxgaradka, dhalinyarada, haweenka iyo siyaasidiinta Puntland ayaa ku tilmaamay ishortaaga lagu sameeyey wasiir jamaal iyo Ciidamadii la socday inay tahay dambi laga galay bulshada Puntland waxayna islaan ciise islaan maxamed ugu baaqeen inuu ka hadlo Dhibka foosha xun ee loo gaystay Beelwaynta Warsangali iyo Wasiir jamaal

Arrintan ayaa kusoo beegantey ka gadaal markii awaamiir cusub ay kasoo baxdey wasaaradda amniga Puntland, taasoo lagu mamnuucay isticmaalka gaadiidka hubka iyo ilaalada gaarka ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.