Video+Sawiro:Xuseen Ceelaabe Faahiye oo loogu magac daray Wasarada Qorshaynta

xuseenceelabe

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Xildhibaanno, Senatoro ayaa maanta ku dhawaaqay in dhismaha Daarta Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ay ku shaqeyneyso loogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye oo ahaa halyeey Wasaaradda waxweyn ka soo qabtay in badana ka soo shaqeynayay, kaas oo laga dhax yaqaanay.

Munaasabadaan Ceelaabe loogu Magacdarayay daartaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Qaraabada Marxuumka, Senatoro iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi oo lataliye u ah Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qaraabana ay ahaayeen Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in dhismahaan maanta loogu Magacdarayo Ceelaabe “Anaga oo ah qaraabada Ceelaabe aad ayaan ugu faraxsanahay in daartaan loogu magacdaro qofkasta oo dalka ka soo shaqeeyay ayna taariikhdu xusi doonto xumaan iyo wanaag wixii uu sameeyay”

Senatoro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowlada Fadraalka ah ee Soomaaliya qaraaba dhawna ay ahaayeen Ceelaabe ayaa sheegay in talaabadaan dhiiri galineyso dadka dalka sida hagar la’aanta ah ugu shaqeeya.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa tilmaamay in sababta dhismaha Wasaaradda looogu Magacdaray Xuseen Ceelaabe Faahiye ay tahay inuu ahaa shaqsi waxbadan u soo qabtay Qaranka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.