Sawiro:Al-Shabaab oo bur buriyay garoonka diyaaradaha Buula-burde

shabab

Ururka aragaxisada Al-shabaab ayaa Qaraxyo miino ah ku xiray garoonka diyaaradaha degmada Buula-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana jira khasaaro kala duwan ay qaraxyada geysteen.

Dhismaha bur buray ee Qaraxyada lala beesgsaday ayaa ah hubinta iyo sugida rakaabka diyaaradaha ee garoonka degmada Buula-burde, kaas oo shalay dhismihiisa la soo gabagabeeyay.

Inta la ogyahay hal qof ayaa ku geeriyooday halka saddex qof oo kale ay ku dhaawacmeen ,sida uu wariyaha Buula-burde ee warbaahinta Qaranka soo sheegayo.

Garoonka uu ka dhacay Qaraxa ayaa waxaa si wada jira uga howlgala Ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.