Daawo:Galmudug oo ku baaqday joojinta Colaadda Xananbuure ee gobolka Galgaduud

Xananbuure

Maamulka Galmudug iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin kale ayaa ku baaqey joojinta xiisad colaadeed oo u dhexeeysa beelo walaalo ah oo kasoo cusboonaadey deegaanka Xananbuure ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Odayaasha dhaqanka ee Dhuusamareeb ku sugan ayaa dalbadey in si shuruud la’aan ah loo joojiyo colaadan oo saakay ka aloosantay dil loo geystay qof shacab ah, iyagoo si gaar ah uga dalbadey maamulka Galmudug in uu ciidamo soo celiya xasiloonida udiro Deegaankan.

Wasiir Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Faafaale iyo Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo arrimaha Bulshada Galmudug Maxamed Nuur Diini ayaa iyana ugu baaqey siyaasiyiinta labada dhinac in ay si deg deg ah u gaaraan deegaankan oo ay isisoo hor fariisiyaan odayaasha si xal loo gaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.