Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyey dalka Turkiga

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo howlo shaqo ku tagay Dalka Turkiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magalada Ankara  ku soo dhaweyay Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Turkiga iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u jooga Turkiga.

Wasiirka ayaa inta uu ku Suganyahay Turkiga kulamo la qaadan doona Masuuliyiin ka tirsan dowladda Turkiga, isagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka milatari ee ka dhexeeya labada dal.

Wasiir Xasan ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in uu booqdo xerooyinka ay dowladda Turkiga ku tababareeyso ciidamada Soomaaliyeed ee Gorgor iyo Haramcad.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha taageerada Millateri siiya Soomaaliya, waxuuna Turkigu Soomaaliya u tababaray kumanaan askari oo ka kala tirsan ciidamada militeriga iyo booliska gaarka ah ee dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dagaal adag kula jira kooxaha Argagixisada ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.