Daawo:Ra’iisulwasaare Rooble oo kulan la qaatay Midowga Musharaxiinta

Rooble

Ra’iisul Wasaaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la yeeshay Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin dardar gelinta howlaha doorashooyinkaIyo in doorashadu noqoto mid hufan, daahfuran oo waqtigeeda ku dhacda.

Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.