Madaxwaynaha Puntland oo ka tacsiyeeyey geeridii wasiirkii hore ee waxbarashada Puntland

deni

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku hadlaaya magaciisa, kan Shacabka iyo Dowladda Puntland, ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u naxariistee Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland Abshir Aw-yuusuf Ciise oo ku geeriyooday dalka Maraykanka.

“Waxaan ummada Soomaaliyeed, Shacabweynaha Puntland iyo Bahda Aqoontaba, uga tacsiyeeynaya geerida alle ha u naxariistee Abshir Aw-yuusuf Ciise Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland.

Abshir wuxuu waxbadan kasoo shaqeeyay horumarinta Waxbarashada xiliyadii kala duwanaa ee dalku soo maray, isagoo ka mid ahaa macalimiinta Soomaaliyeed ee fara ku tiris-ka ahaa ee dalka laga yaqaanay.

Aniga geeridiisu si gaar ah ayeey ii taabanaysaa oo wuxuu ii ahaa macalimkaygii maadada Physics-ka oo uu ku caanbaxay, markii danbena loogu magac daray, wuxuu ahaa barre siweyn dalka looga yaqaanay soona saaray Bulsho balaaran oo nooc walba leh Siyaasiyiin, Aqoonyahano, Ganacsato, Dhakhaatiir, Culimo , Dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Markii danbe oo uu Qurbaha aaday, AHUN Abshir wuxuu halkiisii kasii waday halgankii Waxbarasho, isagoo waxbaray Soomaalidii u guurtay dalka Maraykanka.

Wuxuu soo noqday Wasiirkii Waxbarashada Puntland isagoo doorkiisa ka qaatay, shaqada wanaagsan iyo horumarka Waxbarasho ee Puntland kajira.” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.Madaxweynaha ayaa alle uga baryay marxuumka inuu janadii fardowsa geeyo, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyoodayna uu samir iyo iimaan kasiiyo. Aamiin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.