Sawiro:Wasiir Fawziya oo qaabishay wafdi ka socda Hay’adda WHO

Wasiir

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Xukuumada Fadraalka ah ee Soomaaliya Drs Fawziya Abikar Nur ayaa Isbitaalka Martini ku qaabishay Wafdi ka socda Hay’ada WHO.

Wasiiradda iyo wafdiga ayaa booqasho ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Isbitaalka, sida Goobaha Talaalka lagu qaadanayo, dhismayaal Cusub ee Isbitaalka loo dhisayo iyo goobaha kale ee Bukaanada lagula tacaalayo.

Wasiiradda ayaa wafdigaan ku wargalisay inay muhiim tahay in Isbitaalka laga taageero adeegyada Caafimaadka ee Muhiimka ah si loo laba jibaaro shaqada adag ee Isbitaalku sida lacag la’aanta iyo hagar la’aanta ah Bulshada ugu hayo.

Wasiirka iyo wafdigaan ayaa sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan dhismaha iyo Rakibaada warshada Oxygeen oo laga hirgalinaayo isbitaalka Martiini gudahiisa.

Wasiir Fawziya waxay la dardaarantay shaqaalaha caafmaaadka Isbitaalka Martini ayadoo ku boorisay in looga baahan yahay xilligaan adag inay u dhabar adaygaan shaqada una gutaan sida ugu hufan.

Maamulka Isbitaalka, shaqaalaha ayaa har iyo habeen dadaal adag ugu jira Bukaanada Covid 19 ee saacad saacada loo keenayo Isbitaalka ayagoo ugu shaqeeya si bilaash ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.