Sawiro:Taliska Amisom oo lagala hadlay Shacab ay Xasuuq u geysteen

cumar

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Siidii) ayaa si wadajir kulan ula qaatay saraakiisha qeybaha Amisom iyo taliyaha ugu Sareeya howlgalka nabad ilaalinta Amisom ee Soomaaliya General Ndegeya Diomede.

Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii baaritaan deg deg ah loogu sameyn lahaa dhacdadii argagaxa laheyd ee ciidamada Amisom ay ku xasuuqeen Allaha Unaxariistee dad shacab ah oo ku nool deegaanka Goolweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed iyo Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa u sheegay Madaxda Amisom inaan la aqbali karin falkan lagu dilay 7-qof oo shacab ah, islamarkaana loo baahan yahay in dadka geeriyooday iyo eheladoodaba  si deg deg ah ay u helaan cadaalad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.