Rooble ooka tacsiyadeeyay geerida AUN Cabdullaahi Abyan Nuur

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur Guddoomiyihii Gudigga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka Heer Federaal oo caawa ku geeriyooday Isbitaalka Martini ee magaalada Muqdisho, waxa uuna Ehelada Marxuumka Alle uga baryay in uu Samir iyo iimaan ka siiyo.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday. Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.