Wafdi Ka docda dowlada Kenya oo Muqdisho Soo Gaaray

Kenya

Wafdi ay hogaamineyso Wasiirka Arrimaha Dibada Dalka Kenya Raychelle Omamo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha Magaalada Muqdisho.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Raychelle Omamo ayaa kulamo la qaadan doonto dhigeeda dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq iyo madax kale oo ka tirsan madaxda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.