Sawiro:Deni oo Isimada Puntland kala Hadlay Xulista Xildhibaanada Aqalka Sarre

deni

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta Kulan Qado Sharaf iyo xulista Xildhibaanada aqalka Sarre kula qaatay Qasriga Madaxtooyada Puntland Isimada, Dhaqanka Puntland intooda hadda ku sugan Caasimada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Kulanka waxaa Madaxweynaha Puntland ku weheliyay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil , Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka ayaa ahaa mid is xogwareysi iyo Arimaha Doorashada Soomaaliya oo uu Madaxweynaha Puntland la yeeshay odoyaasha Dhaqanka ee Puntland, kuwaasi oo qaarkood u yimid ka qeybgalka xuska 23 guurada ka soo wareegatay aas aaska Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.