Akhriso:Taliyaha Xijaar oo isbedel ku sameeyay Taliska Booliska Jowhar

boliis

Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa xilkii saldhiga Booliska degmada jowhar ka qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex, isaga oo talioye Cusub u Magacaabay saldhiga.

Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay  Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska .

Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cuusb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.